Hyppää sisältöön

Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah

Ma doonaysaa inaad si ikhtiyaarkaaga ah dib ugu noqoto dalkaagii hooyo ama dalka aad ku leedahay sharciga degganaanshaha? Bogaggaan internetka waxaad ka heleysaa macluumaadka ku saabsan dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, iyo arrinka ah sidii aad u codsan lahayd taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah. Sidoo kale waxaad macluumaadkaas ku heleysaa oo ay ku qoran yihiin luqadaha kala ah: af-carabi, af-dari, af faarisi, af-isbayn, af-kurdi, af-soomaali iyo af-ruush.

Waxaad heli kartaa taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, haddii aad tahay muwaadin u dhashay dal kale oo saddexaad, oo aad

  • codsatay magangalyo, islamarkaana aad heshay go’aan diidmo ah oo ku saabsan codsigaaga,
  • codsatay magangalyo, islamarkaana aad iska baajisay ama kansashay codsigaagii magangalyoddoonka, ama
  • waxaa la baabi’iyay heerkii badbaadada ama magangalyada caalamiga ah ee hore adiga laguu siiyay.

Sidoo kale dadka la siiyay badbaadada kummeelgaarka ah, waa ay heli karaan taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah. Dib ugu noqoshada Yukrain xillligaan haatan ah lama qabanqaabin karo. Haddii aad Finland ka codsatay badbaadada ama magangalyada kummeelgaarka ah, laakiin aad doonayso inaad dib ugu laabato dalkaagii hooyo, kaasoo ah dal aan ahayn Yukrain, waxaad heli kartaa taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah.

Ma heli kartid taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, haddii aad ku laabanayso dal ka mid ah waddamada xubnaha ka ah ururka Midowga yurub, waddamada Schengen, ama dal kale oo saddexaad, kaasoo muwaadiniiintiisa aan laga rabin fiiso ama dalkugal ay ku soo galaan Finland. Si kastaba waxaad heli kartaa magdhowga kharashka safarka.

Xilligaan haatan ah lama qabanqaabin karo dib u noqoshada dalalka magacyadooda ay halkaan ku xusan yihiin, sababo la xiriira xaaladaha amniga ee dalalkaas ka jira awgood: Afganistaan, Eriteriya, Yaman, Falastiin, Suuriya, Taiwan iyo Yukrain.

Taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee 2024–2025

Taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa ay ka kooban tahay

  • magdhowga kharashka safarka
  • caawimaadda la xiriirta qabanqaabada dib u noqoshada
  • caawimaad, taasoo taageero ka gaysanaysa dib ula qabsashada dalkaaga hooyo.

Caawimaadda waxaa ugu horraynta lagu bixinayaa qaab ah caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketukea). Arrinkaan waxaa loola jeedaa adeegyo kala duwan ama qalab iyo waxyaabo kale, kuwaasoo adiga kaa caawinaaya tusaale ahaan:

  • aasaasidda shirkad adiga kuu gaar ah
  • waxbarasho ama tababar aqoon kororsi ah
  • kharashka guriga
  • kharashyada daryeelka caafimaadka.

Caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketukea), waa mid lagu jaangooyay hadba baahidaada inta ay le’eg tahay, iyo wixii suuraggal ah ee aad heli karto.

Cadadka taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa ay ku xiran tahay, hadba xilliga aad gudbisay codsiga taageerada dib u noqoshada.

Caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah

  • haddii aad codsanayso caawimaadda dib u noqoshada muddo 30 maalmood gudahood ah, laga soo bilaabo marka ay ku soo gaartay wargelinta go’aanka koowaad ee diidmada magangalyada, ama aad markii ugu horraysay iska baajisay ama iska kansashay codsigii magangalyada qaxootinnimo, waxaad heleysaa caawimaad dhan 5300 yuuro
  • haddii aad codsanayso caawimaadda dib u noqoshada muddo ka badan 30 maalmood gudahood, laga soo bilaabo marka ay ku soo gaartay wargelinta go’aanka koowaad ee diidmada magangalyada, ama aad markii ugu horraysay baajisay ama aad iska kansashay, waxaad heleysaa caawimaad dhan 2000 yuuro
  • haddii aad magangalyada codsatay wax ka badan 1 mar: waxaad heleysaa caawimaad dhan 2000 yuuro.

Suuraggalnimada ah caawimaad intaa ka badan waa mid mar keliya ah.

Caawimaadda lagu saleeyay duruufaha gaarka ah

  • Haddii aad tahay dhibbane soo maray ka ganacsiga dadka, waxaa lagu siinayaa caawimaad dhan 3000 yuuro.
  • Haddii xaaladdaada gaar ahaaneed ay tahay mid u baahan ama keensanaysa in la siiyo caawimaad dheeraad ah, waxaad heli kartaa caawimaad dheeraad ah oo dhan 1000 yuuro,taasoo ka baxsan caawimaddii caadiga ahayd. Baahida caawimaadda dheeraadka ah waxaa saamayn ku leh tusaale ahaan da’da, naafannimada, xanuunka, xaaladda qoyska ama sababo kale oo kuwaa la mid ah.
    • Caawimaadda dheeraadka ah waxaa sidoo kale la siin karaa  dhibbanaha soo maray ka ganacsiga dadka iyo dadka ku laabanaaya wadammada aan laga rabin fiisaha ama dalkugalka.

Codsashada taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah

Siinta taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa ku xiran shardiga ah, in aad si ikhtiyaarkaa ah uga guurayso dalkaan Finland. Waxaa kugu waajib ah in aad iska kansasho dhammaan arrimaha codsigoodu kuu maqan yahay ee ku saabsan magangalyada, sharciga degganaanshaha ama baasaboorka ajnabiga.

Ma waxaad tahay macmiil ka tirsan xerada qaxootiga?

Waxaad la xiriirtaa shaqaalaha xerada qaxootiga. 

Finland ma waxaad joogtaa adigoo aan haysan sharciga degganaanshaha dalka, kaddib markii uu kaa dhammaaday adeegaagii xerada qaxootiga?

Hoggaanka socdaalka waxaa uu kugula talinayaa, kaana caawinayaa inaad codsato dib u noqoshada ikhtiyaariga ah.

  • Telefoonka 050 413 8625 (sidoo kale waxaad kala xiriiri kartaa dhanka WhatsApp-ka).
  • Iimeylka waxaad u soo diri kartaa adigoo u soo marinaaya adeegga Securemail ee Hoggaanka socdaalka (securemail.migri.fi), cinwaanka iimeylka ee ah return@migri.fi, si farriintu ay qaab kalsooni leh ugu gaarto halkii loogu talaggalay.

Falanqaynta codsiga

Xerada qaxootiga ama Hoggaanka socdaalka ayaa kula buuxinaaya adiga foomamka codsiga looga baahan yahay, sidoo kale waxaa ay falanqaynayaan codsigaaga, waxaana ay gaarayaan go’aan.

Xerada qaxootiga ama Hoggaanka socdaalka ayaa ka xaqiijinaaya booliska, in si ikhtiyaarkaa ah aad dalkaaga dib ugu noqon karto iyo in kale. Haddii weli boolisku aanay bilaabin dal ka saaristaada, islamarkaana aanay jirin waxyaabo kale oo hor istaagaaya dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, go’aanka waxaa loo dirayaa ururka caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha dadka muhaajiriinta ah IOM, kaasoo bilaabaaya qabanqaabada dib u noqoshada.

Dib ugu noqoshada guriga

Ururka IOM ayaa ku siin doona talooyinka ku saabsan dib u noqoshada, kuwaasoo ku baxaaya luqado kala duwan. Haddii aadan haysan baasaboor, waxaa adiga lagaa caawinayaa sidii aad safaaradda dalkaaga uga heli lahayd dukumintiga safarka. Intaa dabadeed ururka IOM ayaa kuu qabanaaya safarka aad ku aadayso dalkaaga aad ku noqonayso. Haddii ay jiraan dhibaatooyin caafimad darro oo adiga ku haysta, waxaa la siin doonaa tixgelin gaar ah marka safarka dib u noqoshada la qabanqaabinaayo. Sidoo kale marka aad Finland ka baxayso waxaa ururka IOM uu ku siin doonaa meelaha aad kala xiriiri karto hawlwadeennada aad ka heleyso caawimaadda dib u noqoshada ee dalkaaga. Sidoo kale marka aad baxayso waxaad ka heleysaa ururka IOM, dukumintiyadii ay kaa hayeen hawlwadeennada Finland.

Faahfaahin dheeraad ah: