Kaalmada ama deeqda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waddamada aay khuseeyso
Deeqdu waxeey noqon kartaa lacag kaash ah ama deeq badeecadeed. Nooca kaalmada aad dooneeysid in aad arjiga u qoratid halkaan ka dooro.
Kaalmo lacag kaash ah
Cadadka kaalmada lacagta kaashka ah waxeey ku xiran tahay waddanka dib looga noqonayo:
A | |
---|---|
kaalmada caadiga ah | 1500 YUURO |
kaalmada ilmaha | 750 YUURO |
A) Afganistan, Angola, Burundi, Bangladesh, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Jabuuti, Koonfurta-Sudan, Ethiopia, Eritreya, Gambiya, Guinea, Guinea-Bissaw, Haiti, Ciraaq, Yemen, Cambodia, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Kongo, Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Kuuriya, Laos, Lesotho, Liberia, Madagaskar, Malawi, Mali, Mauritania, Mosambik, Myanmar, Nepal, Niger, Equatorial Guinea, Ruwanda, Zambiya, Senegal, Sierra Leone, Somaliya, Sudan, Siiriya, Tanzaniya, Togo, Jadd, Uganda, Zimbabwe
B | |
---|---|
kaalmada caadiga ah | 800 YUURO |
kaalmada ilmaha | 500 YUURO |
B) Armenia, Bolivia, Masar, El Salvador, Filippiin, Ghana, Guatemala, Guyana, Honduras, Indonesia, India, Iran, Jordan, Kamerun, Cape Verde, Kenya, Kyrgystan, Jamhuuriyadda Kongo, Daanta Galbeed, Marokko, Moldova, Nikaragua, Nayjeria, Ivory Coast, Pakistan, Sri Lanka, Swaziland, Tajikistan, Tunisiya, Yukrayn, Uzbekistan, Vietnam
C | |
---|---|
kaalmada caadiga ah | 500 YUURO |
kaalmada ilmaha | 300 YUURO |
C) Aljeeriya, Arjentiina, Azerbajan, Botiswana, Brasiil, Jile, Costa Rika, Jamhuuriyadda Dominikaan, Ekwaador, Koonfurta-Afrikka, Gabon, Jeorjia, Jamaika, Kolombia, Kuuba, Shiina, Kazakhistan, Libiya, Lubnaan, Maleshiya, Maurishiyus, Meksiko, Namibiya, Panama, Paraguway, Peru, Thailand, Turkki, Turkmenistan, Urugway, Belaruus, Venezuwela
D | |
---|---|
kaalmada caadiga ah | 200 YUURO |
kaalmada ilmaha | 100 YUURO |
D) Albaniya, Bosniya iyo Hertsegoviina, Waqooyiga-Makedoniya, Israiil, Kosovo, Montenegro, Serbia, Ruushka iyo waddamada ka tirsan Yurubta midoowday.
Kaalmada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa loo oggolaadaa oo kaliya muwaadiniinta Yurubta midoowday, haddii uu shaqsigaasi yahay dhibane ganacsiga dadka.
Haddii waddan uusan ku jirin liiska kan, Hey’adda socdaalka Finland ayaa go’aamin doonta kooxda uu waddankaasi ka tirsan yahay.
Kaalmada ama deeqda la kordhiyay
Kaalmada ama deeqda waxaa lagu siin karaa ayadoo qiimaha la kordhiyay, haddii la soo caddeeyo da’da, naafonimada, cudurka, xaaladda qoyska ama arrimo kale oo shaqsiyadeed awgeed lagu sababeeyo. Kaalmada la kordhiyay waxaa sidoo kale la siin karaa dhibbanaha tahriibinta ganacsiga dadka ama ilmaha aan qaangaarka aheyn oo aan waalid ama masuul aanan laheyn ee noqonaya.
Wadarta kaalmada kharashka kaashka ah waxeey noqon kartaa ugu badnaan:
- 2 000 € qof weyn iyo
- 1 000 € cunugiiba.
Haddii aad codsaneeysid in laguu kordhiyo kaalmada ama deeqda, ku sharrax arjigaaga sababta aad ugu baahan tahay kaalmo dheeri ah oo ku saabsan dib ula qabsashada cusub.
Kaalmada ama deeqda la dhimay
Kaalmada ama deeqda waxaa lagu siin karaa ayadoo qiimaha la dhimay amaba waa laguu diidi karaa gabi ahaanba, haddii aay jiraan sababo macquul ah oo looga shakisan yahay, in qorshaha kaalmada ama deeqda hab qaldan la doonayo in lagu isticmaalo. Cadadka kaalmada ama deeqda waa la dhimayaa, haddii aad leedahay dakhli ama lacag, ama aad ka maqneyd waddankaagii hooyo muddo gaaban.
Kaalmada badeecada
Waxaad dooran kartaa qaabka kaalmada badeecadda. Cadadka kaalmada badeecadda waxeey ku xiran tahay waddanka laga noqonayo. Qeybta A waddamada ku jira kaalmada badeecadda waa 5000 yuuro qofka weyn, 1500 yuuro waa qofka ilmaha ah. Qeybaha B, C iyo D waddamada ku jira cadadka lacagtu waa 3000 yuuro qodka weyn, 1500 yuuro qofka ilmaha ah. Kaalmada ama deeqda lagama helayo Italiya, laakiin halkaasi waxaa laga heli karaa kaalmo lacag kaash ah.
A | B, C, D | |
---|---|---|
kaalmada caadiga ah | 5000 YUURO | 3000 YUURO |
kaalmada ilmaha | 1500 YUURO | 1500 YUURO |