Caawimaadda qofka iskiis u laabanaaya marka loo eego dal ahaan

Caawimaaddaas waxaa ay noqon kartaa lacag kaash ah ama waxtar kale oo faa’iido leh (hyödyketukea), Dhammaan xubnaha isku halka qoys ka socda waxaa la siin doonaa caawimaad isku mid ah, taasoo loola jeedo kaash ahaan ama waxtar kale oo faa’iido leh (hyödyketukea).

Caawimaadda kaashka ah

Qiimaha caawimaadda kaashka ah waxaa ay ku xiran tahay hadba dalka loo laabanaayo:

A  
Caawimaadda caadiga ah EUR 1500
Caawimaadda caruurta EUR 750

 

A) Afgaanistaan, Angoola, Bangaaladesh, Benin, Bhuta, Burkina Faso, Jabuuti, koonfurta-Sudan, Itoobiya, Ereteriya, Gambia, Guinea, Geni-bisaaw, Haayti, Ciraaq, Yaman, Kaamboojiya, Kenya, Jamhuuriyadda Afrikada-dhexe, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo, Jamhuuriyadda Qaranka Dimoqraadiga ee Kuuriya, Laos, Lisootho, Laaybeeriya, Madagaskar, Malawi, Mali, Muritaaniya, Mosambik, Myanmar, Nepal, Niger, Ikwatooriyal Gini, Ruwaanda, Sambia, Senigal, Siiralyoon, Soomaaliya, Sudan, Tajakistaan, Tansaaniya,Togo, Jaad, Yugandha, Zimbabwe

B  
Caawimaadda caadiga ah EUR 800
Caawimaadda caruurta EUR 500

 

B) Armeeniya, Boliivia, Masar, El Salvadoor, Filibiin, Joorjiya, Gaana, Guwaatamela, Guyana, Honduras, Indoniisiya, Hindiya, Kameruun, Kap Ferde, Kirgiisiya, Jamhuuriyadda Koongo, Daanta Galbeed, Marookko, Nikaragwa, Nayjeeriya, Xeebta fool-maroodi (Ivory Coast), Bakistaan, Paaragway, Siri Laanka, Swasiland, Suuriya, Yukreyn, Uuzbakistaan, Fiyetnaam

C  
Caawimaadda caadiga ah EUR 500
Caawimaadda caruurta EUR 300

 

C) Aljeeriya, Arjantiin, Azerbajaan, Botoswaana, Baraaziil, Jili, Koosta Riika, Jamhuuriyadda Domeninkaan, Ekwadoor, Koonfur-Afrika, Gaboon, Iiraan, Jameyka, Jordan, Kolombiya, Kuuba, Shiinaha, Kazakhistaan, Liibiya, Lubnaan, Maleesiya, Moorishiyos, Meksiko, Moldoova, Namiibiya, Panama, Pereu, Taylandi, Tuniisiya, Turki, Turkeministaan, Urugway, Belarus, Vensuwella.

D  
Caawimaadda caadiga ah EUR 200
Caawimaadda caruurta EUR 100

 

D) Albaaniya, Boosniya iyo Herzegovina, Jamhuuriyadii Hore Yogoslaviya ee Makedooniya, Israa’iil, Kosovo, Montanegro, Seerbiya, Ruushka iyo dalalka xubnaha ka ah ururka midowga Yurub. Caawimaadda qofkii iskiis u laabanaaya waxaa la siiyaa dadka u dhahsey wadamada xubnaha ka ah Yurub, haddii uu qofku yahay dhibane ka ganacsiga dadka soo marey.

Haddii dalka aad ku laabaneyso uusan ku jirin liiskaan, Waaxda socdaalka (imaagareeshinka) ayaa go’aamineysa kooxda dalkaas la raacinaayo ee uu ka tirsan yahay.

Waxtarka aan lacagta aheyn ee faa’iidada leh (Hyödyketuki)

Noocan waxtarka caawimaadda aan lacagta aheyn ee faa’iidada leh (Hyödyketuki) waxaa la bixin karaa, haddii aan qofka la siineynin caawimaad kaash ah. Noocaan ah waxtarka kale ee caawimaadda ee aan lacagta aheyn (Hyödyketuki) ma ahan mid lagu bixiyo dhammaan dalalka loo laabanaayo.

Waxtarka caawimaad ee aan lacagta aheyn (Hyödyketuki)

  • 2 500 € qof kastoo qaangaar ah oo laabanaaya, kaasoo 200 € oo ka mid ah lagu siinaayo kaash ahaan
  • 1 500 € cunug kasta, kaasoo 100 € oo ka mid ah lagu siinaayo kaash ahaan

Caawimaadda la kordhiyey

Caawimaadda waxaa la bixin karaa iyadoo ah mida la kordhiyey, haddii ay tahay mid ku saleysan qodobada xeerka shisheeyaha, naafanimo, xanuun, xaaladda qoyska ama sabab kale oo shakhsi ahaan darteed. Caawimaadda la kordhiyey waxaa sidoo kale la siin karaa qofka ah dhibane soo maray ka ganacsiga dadka, ama ilmo laabanaaya oo aan wali qaangaar aheyn, waalidkiisna aanu la socon.

Caawimaadda la kordhiyey kuma xirna hadba dalka loo laabanaayo, ugu badnaana waa

  • 2 000 € qof kastoo qaangaar ah iyo
  • 1 000 € cunug kasta.

Haddii aad codsaneyso caawimaadda la kordhiyey waa in aad codsigaaga ku sheegtaa sababta aad u dooneyso caawimaad ka badan intii loogu talagalay dib u laabashaadaada .

Caawimaadda la dhimey

Caawimaadda waxaa la bixin karaa iyadoo la dhimey ama gebi ahaanba waa la joojin karaa bixinteeda, haddii ay jiraan sababo looga shakin karo in codasadaha ujeedadiisu ay tahey in uu si khalad ah u isticmaalo nidaamka caawimaadda, ama loo arko in qofkan dib u laabanaaya aanu u baahneyn wax caawimaad ah.

Qiimaha caawimaadda waa la dhimayaa, haddii qofka dib u laabanaaya uu leeyahay hanti ama dakhli soo gala, ama uu dalkiisii ka soo maqnaa muddo gaaban oo kaliya.

Valikko