Skip to Content
Asylum in Finland

Macluumaad loogu talaggalay qofka magangalyoddoonka ah, warysiga kaddib

Hoggaanka socdaalka waxaa uu waraysiga kaddib ku soo weydiin karaa caddaymo dheeraad ah – jawaabta waxaad ku soo dirtaa wakhtiga laguu qabtay ee kama dambaysta ah

Waraysiga kaddib Hogaanka socdaalka waxaa uu sii wadi doonaa falanqaynta codsigaaga. Haddii aan adiga kaaga baahanno macluumaad dheeraad ah, waxaan kuu soo diraynnaa codsiga caddaynta macluumaadka dheeraadka ah, ama waxaan kaa qaadi karnaa imtixaanka luqadda, amaba waxaan kuugu yeereynnaa waraysi cusub.

Caddaynta dheeraadka ah

  • Haddii aan adiga kaaga baahanno caddayn dheeraad ah oo qoraal ah, waxaan codsigaas caddaynta dheeraadka ah kuugu soo direynnaa qaab qoraal ah. Warqadda qoraalka waxaan kuugu sheegeynnaa, wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay in qoraalkaagu uu ku soo gaaro Hoggaanka socdaalka. 
  • Wakhtiga kama dambaysta ah ee laguu qabtay uga soo jawaab caddaynta dheeraadka ah. Waajibka adiga ku saaran waa in jawaabtaadu ay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay ku soo gaarto Hoggaanka socdaalka. Hoggaanka socdaalku go’aan wuu ka gaari karaa codsigaaga, xittaa haddii aadan ka soo jawaabin caddaynta dheeraadka ah. 
  • Haddii aad leedahay caawiye dhanka maxkamadda ah, sidoo kale isaga ayaa u soo diri kara caddaynta dheraadka ah Hoggaanka socdaalka. Waxaad arrinkaan kala hadashaa caawiyahaaga arrimaha maxkamadda. 

Waraysi cusub

  • Haddii aan kuugu yeerno waraysi cusub, xerada qaxootiga ayaa kuu soo diraysa wargelinta ku saabsan u yeeristaas. Waxaan warqadda u yeerista kuugu sheegeynnaa, sababta aan u doonaynno inaan mar labaad kuu waraysanno.
  • Si taxaddar leh u akhri warqadda u yeerista iyo hagista ku qoran, ka hor inta aadan imaan waraysiga cusub. 
  • Wakhti hore imoow goobta. Wakhtiga waraysiga dib uma dhigi kartid sabab la’aan macquul ah. Haddii aad imaan weydo waraysiga, iyadoo aanay jirin wax sabab macquul ah oo arrinkaas keeni karta, waxaan codsigaagaa go’aan ka gaari karnaa, iyadoo aan lagula yeelan wax waraysi cusub ah.

Sidoo kale adiga nafsad ahaantaada ayaa soo diri kara caddaynta dheeraadka ah, waraysiga kaddib

Haddii xaaladdaada uu wax isbeddel ah ku yimaado ama aad raadsanayso caddayn dheereed ah oo codsigaaga ku saabsan, waraysiga kaddib wixii caddayn dheeraad ah waxaad u soo diri kartaa Hoggaanka socdaalka, sida caddaynta dhakhtarka ama dukumintiga aqoonsiga shakhsiyadeed, haddii aadan caddaymahaas hore ugu soo dirin Hoggaanka socdaalka. Caddaynta u soo dir sida ugu dhakhsaha badan ee suuraggalka ah. Haddii aad leedahay caawiye dhanka maxkamadda ah, waxaad arrinkaan kala hadashaa caawiyahaaga.

Haddii cinwaankaaga ama iimaylkaaga uu isbeddelo inta lagu guda jiro falanqaynta  codsiga, isbeddelkaas waxaad si dhakhso ah ugu gudbisaa xeradaada qaxootiga.

Sidan soo socota ayaad u soo diri kartaa caddaynta dheeraadka ah ee codsigaaga magangalyoddoonka 

Caddaynta dheeraadka ah ku soo dir iimeylka ama qoraal ahaan. Sidoo kale caddaynta dheeraadka ah waxaad keeni kartaa barteenna adeegga. Caddaynta waxaad ku soo qortaa lambarkaaga macmiilka iyo lambarka diiwaanka. Waxaadna lambarka macmiilka ama lambarka diiwaanka ka heli kartaa tusaale ahaan qaybta kore ee midigta ee qoraalka waraysiga ama codsiga caddaynta dheeraadka ah.

Haddii aan adiga kaa codsannay inaad Hoggaanka socdaalka u soo dirto dukumiti asal ah, waa inaad ku soo dirtaa warqadda boostada laga diiwaangeliyay. Wixii talo ah ee ku saabsan qaabka warqadda loogu soo diro boostada la diiwaangeliyo, waxaad weydiin kartaa xeradaada qaxootiga ama caawiyahaaga arrimaha sharciga. Sidoo kale haddii aad doonayso, waxaad dukumintiga asalka ah keeni kartaa barteenna adeegga. 

Iimeyl

Caddaynta dheeraadka marka aad ku soo dirayso iimeylka waxaad ku soo dirtaa cinwaanka ah migri@migri.fi. Waxaad isticmaashaa cinwaanka Hoggaanka socdaalka ee ah Securemail-service (securemail.migri.fi), marka aad soo dirayso iimeylka. Adeegga Securemail-palvelu wuxuu qarinayaa farriintaada. Ma akhrin karno farriimaha lagu soo diray adeegyada kale ee aan ahayn adeegga Hoggaanka socdaalka ee Securemail-service. Ka akhri hagista ku saabsan isticmaalka adeegga Securemail-service boggaan: Contact information.

Cinwaanka boostada

Haddii aad caddaynta dheeraadka ah ku soo dirayso qaab qoraal ah, ku soo dir warqadda cinwaanka ah: Maahanmuuttovirasto, PL 10, 00086 Helsinki.

Sidoo kale jawaabtada waxaad keeni kartaa barteenna adeegga

Adiga lagaagama baahna inaad ballan qabsato ama aad qaadato lambarka kaltanka. Caddaynta dheraadka ah waxaad iyadoo baqshad ku jirta aad ku riddaa sanduuqa boostada ee ku dhaggan daaradda hore ee barta adeegga. Wakhtiyada ay furan yihiin baraha adeegga iyo meelaha lagala xiriir karo, waxaad ka hubisaa boggaan: Service points.

Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo

Haddii aad doonayso inaad ku laabato dalkaaga ama dalka aad ku leedahay sharciga degganaanshaha, waxaad codsan kartaa caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah. Oggolaanshaha caawimaadda waxaa ku xiran shuruudo gaar ah, waana la hubinayaa marka aad soo codsato caawimaaddaas.  Haddii aad doonayso inaad codsato dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo, waxaad la xiriirtaa shaqaalaha xeradaada qaxootiga. Xerada qaxootiga ayaa adiga kaa caawinaysa sidii aad u codsan lahayd dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo, waxaana ay gaaraysaa go’aanka codsiga. 

Dib u noqoshada ikhyitaariga ah ee la caawinaayo waxaa loola jeedaa taageero iyo caawimaad, taasoo aad heli kartid marka aad dib ugu noqonayso dalkaaga, haddii

  • aad heshay go’aan diidmo ah oo ku saabsan codsigaagii magangalyoddoonka,
  • aad doonayso inaad iska baajiso ama kansasho codsigaagii magangalyoddoonka, ama
  • waxaa la baabi’iyay magangalyadii caalamiga ahayd ama tan heerka labaad ee hore adiga laguu siiyay,ama
  • aad tahay dhibbane soo maray ka ganacsiga dadka.   

Waxaad heli kartaa caawimaadyo kala duwan oo la xiriira dib u noqoshada: ka akhri halkaan , nooca caawimaadda ah ee aad heli kartid

Caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la taageeraayo waxaa ay ka kooban tahay, qabanqaabinta safarka, caawimaadda garoonka diyaaradaha dhexdiisa iyo taageerada dhaqaale ahaan ee suuraggalka ah, taasoo marka aad dalkaaga ku laabato kaddib uu ku siin doono urur ka shaqeeya dalka aad dib ugu labatay. Qabanqaabinta safarka ee dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo waxaa ka mas’uul ah ururka IOM, oo ah urur caalami ah oo qaabilsan arrimaha dadka muhaajiriinta ah. Haddii aad doonayso ururka IOM wuxuu kaa caawinayaa sidii aad safaaradda dalkaaga uga heli lahayd dukumintiga lagu safro, iyo in carruurtaada ku dhalatay Finland la diiwaangeliyo, si ay u laabtaan iyagoo muwaadiniin ah. Haddii ay ku haystaan dhibaatooyin xagga caafimaadka ah, ururka IOM tixgelin gaar ah ayuu siinayaa arrinkaas marka la qabanqaabinaayo hawsha dib u noqoshada.

Marka aad hesho go’aanka codsigaaga dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo, waxaa go’aanka la socda macluumaad ku saabsan, nooca caawimaad ee aad heleyso. Caawimaadda waxaa ugu horraynta la isku siinayaa qaab ah caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta aheyn (hyödyketukena). Arrinkaas waxaa loola jeedaa adeegyo kala duwan, ama qalab adiga kaa caawinaaya tusaale ahaan sidii aad ku aasaasi lahayd shirkad ganacsi oo adiga kuu gaar ah, waxbarasho ama tacliin, kharashka degaanka ama kharashka daryeelka caafimaadka.

Shardiga ku xiran dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo waa, in aad dalkaan Finland uga guurayso si ikhtiyaarkaaga ah. Waxaa waajib kugu ah inaad kansasho ama baajiso dhammaan codsiyada iyo racfaannada kuu dalban ee la xiriira magangalyoddoonka, sharciga degganaanshaha dalka ama baasaboorka ajnabiga.

Haddii aad doonayso maclumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u noqoshada, waxaad faahfahinta dheeraadka ah waydiisaa xeradaada qaxootiga ama Hoggaanka socdaalka

Haddii aad joogto xerada qaxootiga, waxaad la xiriirtaa shaqaalaha xeradaada qaxootiga. Haddii aadan ka tirsnayn xero qaxooti, waxaad la xiriirtaa Hoggaaka socdaalka: 

  • Telefoon lambarka 050 413 8625 (xittaa WhatsApp-ka ayaad kula soo xiriiri kartaa). 
  • Iimeylka waxaad u soo diri kartaa adigoo u soo marinaaya adeegga Securemail ee Hoggaanka socdaalka (securemail.migri.fi), cinwaanka iimeylka ee ah return@migri.fi, si farriintu ay qaab kalsooni leh ugu gaarto halkii loogu talaggalay.

Halkaan ka akhri faahfaahin dheeraad ah: Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah

Sharciyada degganaanshaha ee kale

Macluumaadka ku saabsan sharciyada kale ee degganaanshaha dalka iyo waxyaabaha lagu saleeyay waxaad ka heli kartaa bogaggaan hoos ku qoran:

Codsiyadu waa lacag.