Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo
Ma doonaysaa in aad si ikhtiyaarkaaga ah dib ugu noqoto dalkaagii hooyo ama dalka aad ku leedahay sharciga degganaanshaha? Bogaggaan internetka waxaad ka heleysaa macluumaadka ku saabsan dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, iyo arrinka ah sidii aad u codsan lahayd taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah. Sidoo kale waxaad macluumaadkaas ku heleysaa oo ay ku qoran yihiin luqadaha kala ah: af-carabi, af-dari, af-ingiriisi, af-isbayn, af-faarisi, af-kurdi, af-sorani, af-iswidhish, af-yukrayn, af-soomaali iyo af-ruush.
Waxaa adiga laguu diyaarin karaa taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, haddii aad tahay muwaadin u dhashay dal saddexaad, islamarkaana
- aad codsatay magangelyada caalamiga ah, aadna sidoo kale heshay go’aan diidmo ah oo ku saabsan codsigaaga,
- aad codsatay magangelyada caalamiga ah, islamarkaana aad iska baajisay ama kansashay codsigaagii magangelyoddoonka, ama
- waxaa la baabi’iyay heerkii magangelyada caalamiga ah ee hore adiga laguu siiyay.
- lagu siiyay sharciga degganaanshaha dalka ee ku salaysan qodobka 51§ ee sharciga ajaanibta.
- lagu siiyay magangelyo kummeelgaar ah, oo aadan wax degaan ahna ku lahyn dalkaan Finland.
Ma heli kartid taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, haddii aad ku laabanayso dal ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga yurub, dalalka Schengen, ama dal kale oo saddexaad, kaasoo muwaadiniiintiisa aan laga rabin fiiso ama dalkuggal ay ku soo galaan Finland. Si kastaba waxaa adiga lagu diyaarin karaa safarka dib u noqoshada.
Sidoo kale dhibbanayaasha soo maray ama la soo kulmay ka ganacsiga dadka, kuwaasoo aan wax degaan ah ku lahayn dalkaan Finland, waxaa loo diyaarin karaa safarka dib u noqoshada, waxaana la siinayaa caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee dalkii kasta oo loo celinaayo, xittaa dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub, dalalka la isku yiraahdo Schengen ama dal kale oo saddexaad, kaasoo muwaadiniintiisa aan looga baahnyan dalkuggal ama fiiso ay ku soo galaan dalkaan Finland.
Hoggaanka socdaalka kuma siin karo adiga sharciga degganaanshaha dalka, haddii aad heshay caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, islamarkaana aad codsato sharcigga degganaanshaha dalka muddo 5 sano gudahood ah oo laga soo bilaabo taariikhdii aad dib ugu noqotay dalkaagii.
Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah looma diyaarin karo dalalka oo dhan sababo la xiriira xaaladaha amniga iyo kuwo kale awgood. Waxaad xaaladdaada dib u noqoshada ka hubin kartaa, adigoo weydiinaaya xaruntaada qaabilaadda qaxootiga, ama adigoo su’aashaada ku diraaya iimaylka cinwaankiisu yahay: return@migri.fi, ama waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee qaabilsan talosiinta ku saabsan dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee la caawinaayo: 050 413 8625.
Taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah
Taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa ay ka kooban tahay
- diyaarinta safarka dib u noqoshada
- caawimaadda la xiriirta qabanqaabada dib u noqoshada
- caawimaadda ku saabsan dib ula qabsashada dalka
Caawimaadda waxaa ugu horraynta lagu bixinayaa qaab ah caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketukea). Caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketukea), waxaa loola jeedaa adeegyo kala duwan ama qalab iyo waxyaabo kale, kuwaasoo adiga kaa caawinaaya tusaale ahaan:
- aasaasidda shirkad adiga kuu gaar ah
- waxbarasho ama tababar aqoon kororsi ah
- kharashka guriga
- kharashyada daryeelka caafimaadka.
Adeeg bixiyaha caawimaada dib ula qabsiga dalka ayaa adiga kula qorshaynaaya isticmaalka caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketukea) ee shakhsi ahaaneed ee ku salaysan baahidaada.
Caawimaadaha dib u noqoshada ikhtiyaariga ah
Haddii aad dalkaan finland ka codsatay magangelyada caalamiga ah, oo aad dib ugu noqonayso dal muwaaddiniintiisa looga baahan yahay dalkuggal ama fiiso ay ku soo galaan Finland, caddadka taageerada ama caawimaadda waa mid ku xiran hadba xaaladdaada sida ay tahay.
- Haddii aad codsanayso caawimaadda dib u noqoshada muddo 30 maalmood gudahood ah, laga soo bilaabo marka ay ku soo gaartay wargelinta go’aanka koowaad ee diidmada magangelyada, ama aad markii ugu horreysay iska baajisay ama iska kansashay codsigii magangelyada qaxootinnimo, caawimaaddu waxaa ay dhan tahay 5300 yuuro
- Haddii aad codsanayso caawimaadda dib u noqoshada muddo ka badan 30 maalmood gudahood, laga soo bilaabo marka ay ku soo gaartay wargelinta go’aanka koowaad ee diidmada magangelyada, ama aad markii ugu horreysay baajisay ama aad iska kansashay, caawimaaddu waxaa ay dhan tahay 2450 yuuro
- Haddii aad magangelyada codsatay wax ka badan hal mar, caawimaaddu waxaa ay dhan tahay 2450 yuuro.
Waxaad heli kartaa caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga oo 3000 oo yuuro ah,
- haddii lagu siiyay magangelyo kummeelgaar ah, oo aadan wax degaan ah u lahayn dalkaan Finland
- haddii aad tahay dhibane soo maray ka ganacsiga dalka, oo aadan wax degaan ah u lahayn dalkaan Finland
- haddii lagu siiyay sharciga degganaanshaha dalka ee ku salaysan qodobka 51§ ee sharciga ajaanibta
Caawimaadda dheeraadka ah ee la bixinaayo, iyadoo lagu saleeyay duruufaha ama xaaladaha shakhsi ahaaneed
Haddii xaaladdaada shakhsi ahaaneed ay tahay mid u baahan ama keensanaysa in la siiyo caawimaad dheeraad ah, waxaad heli kartaa caawimaad dheeraad ah oo dhan 1000 yuuro, taasoo ka baxsan caawimaddii caadiga ahayd. Baahida caawimaadda dheeraadka ah waxaa saamayn ku leh tusaale ahaan da’da, naafannimada, xanuunka, xaaladda qoyska ama sababo kale oo kuwaa la mid ah.
Caawimaadda dheeraadka ah waxaa sidoo kale lagu bixin karaa dal muwaadiniintiisa aan looga baahnayn dalkuggal ama fiiso ay ku soo galaan dalkaan Finland.
Codsashada taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah
Siinta caawimaadda ama taageerada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa ku xiran shardiga ah, in aad dalkaan Finland uga guurayso si ikhtiyaarkaaga ah. Waa in aad baajisaa ama kansashaa dhammaan codsiyada kuu xereysan ee ku saabsan magangelyada, sharciga degganaanshaha dalka ama baasboorka ajnebiga iyo sidoo kale racfaankaaga.
Ma waxaad tahay macmiil ka tirsan xarunta qaabilaadda qaxootiga?
Waxaad la xiriirtaa shaqaalaha xarunta qaabilaadda qaxootiga.
Finland ma waxaad sii joogtay adigoo aan haysan sharciga degganaanshaha dalka, kaddib markii uu kaa dhammaaday adeeggaagii xarunta qaabilaadda qaxootiga?
Hoggaanka socdaalka waxaa uu kaala talinayaa, kaana caawinayaa sidii aad u codsan lahayd dib u noqoshada ikhtiyaariga ah.
- Telefoonka talosiinta caawimaadda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah 050 413 8625 (sidoo kale waxaad kala xiriiri kartaa dhanka WhatsApp-ka).
- Iimeylka waxaad u soo diri kartaa adigoo u soo marinaaya adeegga Securemail ee Hoggaanka socdaalka (securemail.migri.fi), cinwaanka iimeylka ee ah return@migri.fi, si farriintu ay qaab kalsooni leh ugu gaarto halkii loogu talaggalay.
Falanqaynta codsiga
Xarunta qaabilaadda qaxootiga ama Hoggaanka socdaalka ayaa kula buuxinaaya adiga foomamka codsiga ee loo baahan yahay, sidoo kale waxaa ay falanqaynayaan codsigaaga, go’aanna waa ay ka gaarayaan.
Xarunta qaabilaadda qaxootiga ama Hoggaanka socdaalka ayaa ka xaqiijinaaya booliska, ama saraakiisha xuduudaha in si ikhtiyaarkaa ah aad dalkaaga dib ugu noqon karto iyo in kale. Haddii weli boolisku aanay bilaabin dal ka saaristaada, islamarkaana aanay jirin waxyaabo kale oo hor istaagaaya dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, go’aanka waxaa loo dirayaa ururka caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha dadka muhaajiriinta ah IOM, kaasoo bilaabaaya qabanqaabada dib u noqoshada.
Diyaarinta dib u noqoshada
Ururka IOM ayaa ku siin doona talooyinka ku saabsan dib u noqoshada, kuwaasoo ku baxaaya luqado kala duwan. Haddii aadan haysan baasaboor, waxaa adiga lagaa caawinayaa sidii aad safaaradda dalkaaga uga heli lahayd dukumintiga safarka. Intaa dabadeed ururka IOM ayaa kuu qabanaaya safarka aad ku aadayso dalkaaga aad ku noqonayso. Haddii ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro oo adiga ku haysta, waxaa la siin doonaa tixgelin gaar ah marka safarka dib u noqoshada la qabanqaabinaayo. Sidoo kale marka aad Finland ka baxayso waxaa ururka IOM uu ku siin doonaa meelaha aad kala xiriiri karto hawlwadeennada aad ka heleyso caawimaadda dib u noqoshada ee dalkaaga. Sidoo kale marka aad baxayso waxaad ka heleysaa ururka IOM, dukumintiyadii ay kaa hayeen hawlwadeennada Finland.