Skip to Content
Services

Su’aalaha inta badan nalaga soo weydiiyo waqtiga ugu badan ee uu qaadan karo falanqeynta codsiga magangalyodoonka qaxootinimo

Maxaa loola jeedaa waqtiga ugu badan ee falanqeynta?

Sida uu dhigaayo sharciga cusub, falanqeynta codsiyada magangalyodoonka qaxootinimo ee la sameeyay 20.7.2018 iyo wixii ka dambeeyay, waxaa ay ugu badnaan qaadan kartaa muddo 6 bilood ah.

Codsiyadee buu sharcigan cusub ku saabsan yahay ama uu khuseeyaa?

Waajibnimada waqtiga falanqeynta ee cusub waxaa uu khuseeya codsiyada la sameynaayo 20.7.2018 ama wixii ka dambeeyay. Waxaa waqtiga falanqeynta laga soo bilaabayaa marka codsiga loo gudbiyo booliska ama howl-wadeennada ilaalada xuduudaha.

Codsiyadee ayuusan isbedelka sharcigaan khuseynin ama ku saabsanayn?

Isbedelka sharcigaan ma khuseeyo codsiyadii la sameeyay kahor 20.7.2018, sidoo kale ma khuseeyo arimaha dib loogu celiyay maxkamadda maamulka.

Sidee bay noqonayaan ama maxaa ku dhacaaya codsiyadii la sameeyay kahor 20.7.2018 ama arimaha dib loogu celiyay maxkamadda maamulka?

Codsiyadii la sameeyay kahor 20.7.2018, iyagu ma lahan arinkan ah mudada falanqeynta ugu badan ee 6-da bilood. Si kastaba codsiydaas waxaa isku mar lala falanqeyn doonaa kuwii la sameeyay 20.7.2018 iyo kadibba.

Ma dhici kartaa in mudada falanqeynta ee codsiyadii la sameeyay 20.7.2018 kahor ama kadibba, ay qaadato in ka badan 6 bilood?

Sida sharciga uu dhigaayo mudada falanqeyntu waa ay ka badan kartaa 6 bilood, marka ay jiraan xaaladaha hoos ku xusan:

Go’aanka waa in lagu sameeyo 15 bilood gudahood, haddii

1) arinku uu yahay mid la xiriira su’aalo ku saabsan xaqiiqooyin adag ama arimo xagga sharciga ah;

2) in tiro aad u badan oo ah dadka u dhashay dalalka dunida saddexaad ama dadka jinsiyad la’aanta ah ay isku mar wada codsadaan sharciga badbaadinta caalamiga ah, sababtaas awgeed ayaa waxkaqbashada arinkaasi ay adag tahay in go’aan lagaga gaaro mudada lixda bilood gudaheed ah;

3) daahista waxaa si cad sabab ugu ah, in uu codsaduhu gacan ka geysan waayay ama saameyn ku yeelan waayay caddeynta codsigiisa.

Go’aanka waa in lagu gaaraa 18 bilood gudahood, haddii loo baahdo in codsiga ku saabsan badbaadinta caalamiga ah la baaro waqti ka dheer intii loogu talagalay, si ku saleysan qaab nidaamsan oo ku saleysan sababka sidaas loogu baaraayo.

Si kastaba go’aanka waa in lagu gaaraa ugu dambeyn 21 bilood, haddii dalka uu ka soo jeedo codsaduhu ay ka jirto xaalad aan la hubin, sababtaas awgeedna aan go’aanka lagu gaari karin xilligii loogu talagalay.

Maxaa ay tahay in la sameeyo, haddii falanqeynta codsigii la sameeyay kahor 20.7.2018 ay qaadato muddo ka badan 6 bilood?

Qofka macmiilka ah uma baahna in uu isagu la soo xiriiro Waaxda Socdaalka. Waaxda Socdaalka ayaa qofka macmiilka ah qoraal ahaan ku soo ogeysiineysa arinka ku saabsan daahista falanqeynta codsiga iyo waqtiga loo qabanaayo mudada ay qaadanayso qiyaas ahaan falanqeynta cusub.

Ka warran haddii waqtiga qiyaas ahaanta loo qabtay falanqeynta codsigii la sameeyay kahor 20.7.2018 uu muaddadii loo qabtay dhaafo?

Macmiilka waxaa loogu sheegayaa wareysiga magangalyodoonka qiyaasta waqtiga falanqeynta codsiga uu qaadanaayo. Haddii mudadii qiyaasta waqtiga falanqeynta ee loogu sheegay markii wareysiga lala yeelanaayay ay dhaafto intii loo qabtay, waqtiga falanqeynta ee la sugaayo waxaad ka hubin kartaa aaladda sida ootamaatiga ah u tirineysa mudada falanqeynta (käsittelyaikalaskuri) ee ku taalla qeybta hore ee bogagga internetka ee Waaxda Socdaalka: www.migri.fi.

Sidoo kale qareenka qofka macmiilka ah ama shaqaalaha xerada qaxootiga, haddii ay u baahdaan way la soo xiriiri karaan Waaxda Socdaalka.